Quwadaha dunida oo Maanta isku Raacay in la Xakameeyo Hubka Nukleerka.

0

Dhamaan quwadaha dunida ayaa maanta  isku raacay  in la xakameeyo hubka nukleerka ah kadib kulan ay ku lee yihiin  magaalada Washington ee dalka mareykanka .

Dalalka mareykanka, Japan , shiinaha iyo koonfurta kuuriya ayaa muujiyey qatarta ka dhalan karta hadii hubka nukleerka uu gacanta u galo islaamiiyiin sida daacish oo kale.

Madaxweynaha dalka mareykanka brack obama oo shirkaan soo qaban qaabiyey ayaa waxaa uu madaxda kulanka kasoo qeyb gashay ku adkeeyey in hubkaan nukleerka uu Qatar badani keeni karo hadii ay hesho dowlad sida waqooyiga kuuriya oo ah dalkii ugu horeeyey ee sanadahaan dambe tijaabiyo nukleerka.

Shirkaan ayaa imaanaya iyadoo waqooyiga kuuriya ay wali wado tijaabo hor leh oo ku aadan gantaalaha ridada dheer iyo hubka nukleerka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here