Wararka naga soo gaaraya Gudaha degmada wadajir ayaa sheegaya in kooxo Hubeysan oo watay gaari kuwa raaxada ah in ay Gudaha degmadaas ku dileen 2-ruux oo mid kamid ah la sheegay in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad sugida Dowlada soomaliya.
Labada ruux ee la dilay ayaa la tilmaamayaa in gaari lagu horgeeyay isla markaana ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo isla markiiba goobta ka baxsaday sida ay inoo sheegeen dad ku sugnaa goobta uu falkaan ka dhacay.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka degmada wadair ee dowlada soomaliya aynu la xariirnay ayaa ka gaabasaday in ay ka hadlaan dilka labada ruux loogu geystay Gudaha degamadaas.
Wixii Kusoo kordha kala soco simbanews.com

