Maamulka al-shabaab ee Gobolada Jubooyinka ayaa xukun dil ah waxa ay ku fuliyeen nin u dhashay dalka Tanzania, kaasi oo ay Shabaabka ku eedeeyeen inuu Jaajuus u ahaa Sirdoonka Mareykanka.
Qaadiga maxkamada Shabaabka ayaa sheegay ninkaan in lagu magacaabo Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa, da’diisana ay tahay 27 sano jir uuna la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka oo dhowr mar uu lacag ka qaatay.
Sidoo kale qaadiga Maxkamada al-shabaab ee Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa, uu ka tirsanaa ciidamada al-shabaab kuwooda loo yaqaano duur ku jirta balse lagu helay in uu kamid ahaa sirdoonka Mareykanka.
Qaadiga maxkamada Shabaabka ee Gobolada Jubooyinka waxa uu sidoo kale sheegay in la helay qoraalo muujinayay in Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa, uu la shaqeyn jiray sirdoonka Mareykanka.
Waa markii ugu horeysay oo nin Ajnabi ah Shabaab ay toogtaan, kaasi oo lagu eedeeyay inuu yahay Jaajuus Mareykanka la shaqeeya.

