Sergio Ramos:- Real Madrid Waa kooxda Ugu Wanaagsan Aduunyada

0

Daafaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa sheegay in  Real Madrid ay wali tahay kooxda ugu wanaagsan aduunyada ka hor kulanka Elclasico ee habeen dambe ka dhacaya Garoonka Camp Nou ee Magaalada Barcelona.

Kooxda Madrid ka dhisan  ayaa la ciyaari doonta kooxda Barcelona oo dhibco ahaan ka sareysa 10-dhibcood waana koox loo sii saadalinaayo ku guuleysiga Horyaalka dalka Spain markii 3-aad afartii sano aynu soo dhaafnay.

Kaptanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ninka reer Spain oo warbaahinta la hadlaayay ka hor kulanka Barcelona ayaa sheegay in aysan Real Madrid aheyn koox awood yar ay tahay kooxda ugu wanaagsan aduunyada walina ay sii ahaan doonto.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here