Macalinka kooxda Manchester United Luis Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday in xidiga qadka dhexe ee Bastian Schweinsteiger ay ku adkaaan doonto kasoo kabsashada dhaawac soo gaaray bilowgii todobaadkii Hore.
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa laga saaray ciyaartooda xulka dalka Germay ee kulamada saaxiibtinimo la ciyaaray xulalka Talyaaniga iyo ingiriiska kadib dhaawac soo gaaray Laacibka.
Macalinka reer Holland Luis Van Gaal oo maanta warbaahinta la hadlaayay ayaa xaqiijiyay in dhaawac xidigaan soo gaaray uu yahay mid helis galin kara mustaqbalkiisa iyo in uu matalo xulka dalka Germany ciyaarayaha Uero 2016-ka.

