Maamulka Ahlusuna Ee G/Dhexe Ayaa Qaadacay Shirka Looga Hadlaayo Doorashooyinka 2016-ka

0

Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe ayaa qaadacay shirka maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho ee loogu Hadlaayo ariamaha doorashooyinka sanadka 2016-ka dalka ka dhacaya

Madaxweynaha Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe  oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qaadacsan yihiin shirka Maanta ka Furmay Magaalada Muqisho ee loogu Hadlaayo arimaha Doorashooyinka sanadka 2016-ka

Sheikh axmed shaakir cali xasan Madaxweynaha Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe ayaa Tilmaamay in ay qaadacsan Yihiin shirka loogu Hadlaayo arimaha doorashooyinka oo maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho wixii kasoo baxana aysan aqbali doonin maamulkooda  ahlusuna

Madaxweynaha Maamulka ahlusuna ee gobolada dhexe ayaa sidoo kale ka Hadlay arimaha ay ka qeyb Gali waayeen shirka Muqdisho Maanta ka furmay isagoona Tilmaamay in ay Mar walba aqbalaan rabitaanka shacabka Gobolada dhexe ku Nool

Maamulka ahlusuna ee Gobolaada dhexe dhawaan loogu dhawaaqay ayaan kamid aheyn Maamulada lagu Marti qaaday ka qeyb Galka shirka Loogu Hadlaayo arimaha doorashooyinka 2016

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here