Samir Nasri oo la xaqiijiyay in uu dhaawac soo Gaaray ka Hor kulanka kooxda Sevilla ciyaaraha Champions League

0

Kooxda Manchester City ayaa sheegtay in uu  dhaawac soo gaaray laacibka qadka dhexe ee Samir Nasri ka hor kulanka Champions League ay wajihi doonaan kooxda Spain ee Sevilla

Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini’ ayaa xidiga reer France ku daray liiska xidigaha ka dhaawacan kooxda Manchester city xili ciyaareedkaan

Nasri ayaa badal ku soo Galay kulankii ay todobaadkaan la ciyaareen kooxda AFC Bournemouth wallow uu ciyaarta dhamaystay xidiga heerka caalami ee reer France

Laakin macalinka kooxda City ayaa shaki Galiyay laacibkaan in uu kooxdiisa ka soo Muuqan doono kulanka ay Todobaadkaan la ciyaari doonto kooxda Sevilla iyo kulanka ay axada soo socoto ay la ciyaari doonto kooxda Manchester United kulanka Derby Manchester

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here