Kooxda Manchester City ayaa sheegtay in uu dhaawac soo gaaray laacibka qadka dhexe ee Samir Nasri ka hor kulanka Champions League ay wajihi doonaan kooxda Spain ee Sevilla
Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini’ ayaa xidiga reer France ku daray liiska xidigaha ka dhaawacan kooxda Manchester city xili ciyaareedkaan
Nasri ayaa badal ku soo Galay kulankii ay todobaadkaan la ciyaareen kooxda AFC Bournemouth wallow uu ciyaarta dhamaystay xidiga heerka caalami ee reer France
Laakin macalinka kooxda City ayaa shaki Galiyay laacibkaan in uu kooxdiisa ka soo Muuqan doono kulanka ay Todobaadkaan la ciyaari doonto kooxda Sevilla iyo kulanka ay axada soo socoto ay la ciyaari doonto kooxda Manchester United kulanka Derby Manchester

