Faah-faahin ku saabsan weerarkii Maanta ka dhacay Gaalkacyo.

0

Wararkii ugu dambeeyey ee an ka helayno magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa sheegaya in uu isasii taraya qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaaladaasi.

Waxaa weerarka dadka ku geeriyooday ka mid ah Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Saciid Gaadda-yare iyo Siyaasi Xasan Ruush oo mar Wasiir kasoo noqday Maamulka galmudug.

Waxaa sidoo kale halkaa ku geeriyooday askar ilaala u ahayd madaxa maaliyadda Gobolka Mudug Siciid Gaadda yare iyo laba cunug oo caseeyayaal ah oo ilaa hadda aan la aqoonsan iyo waliba ruux is qarxiyey.

Sidoo kale inta la xaqiijiyey weerarka maanta waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 8-ruux oo isugu jira shacab,Ciidan iyo waliba siyaasiyiin.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo iyo Masuuliyin ka tirsan Mamulka Puntland oo uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Mudug iyo Saraakiil ciidan oo iyagu sheegay in ay wadaan baaritaanno la xariira sida ay wax u dhaceen iyo waliba cidda soo abaabushay weerarka manta halkaa ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here