Deg:Deg:-Weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

0

Wararka Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ay ka helayso Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Woqooyiga Magaaladaasi ayaa Kusoo waramaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo uu fuliyey ruux iskusoo xiray walxaha qaraxa uu ka dhacay agagaarka Hotel la yiraahdo Unlaaye oo ku yaalla woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ilaa hadda lama oga qasaraha rasmi ahaan ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah ee goor dhaweyd ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa lagusoo waramayaa in durbaba ay isku gadaameen Ciidmo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo xadiday isku socodka dadka ee goobta uu falku nka dhacay.

Wali waxaan wadnaa Xiriirro kala duwan oo aan la sameyneyno Maamulka,Saraakiisha ammaanka Magaalada iyo dad goobjoogayaal ah si aan idinkugusoo gudbino dhacda dhabta ee halkaa ka dhacday   Kalasoco wixii soo kordha Simbanews.com insha allah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here