Barakicin Wali lagu hayo Xoolo dhaqato ku nool deegaanka Kaxandhaale iyo baaq lagasoo saaray.

0

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka beesha  Habar-gidir oo la hadlay Radio Simba ayaa ka hadlay barakicin sida la sheegay Ciidamo hoostaga Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ka wadaan gudaha gobolada Galgaduud iyo Mudug gaar ahaan xaduudka labada gobol ay la leeyihiin Waddanka Ethiopia.

Imaam Rooble ayaa waxaa uu sheegay in ay arintaan ay kala hadlayaan Masuuliyiinta Safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya,waxaana uu sheegay in qorshahaasi ay wadaan ayna doonayaan in ay meesha ka saaraan dhibaatooyin ay ciidamada Liyuu Booliska la yiraahdo ee hoostaga dowlad deegaanka Soomaalida ee waddanka Ethiopia ay ka wadaan deegaanka lagu magacaabo kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Mudug kana mid ah deegaanada hoostaga degmada Gallinsoor ee gobolka mudug.

Waxaa uu ku eedeeyey Ciidankaasi in ay deegaankaasi ka barakiciyeen dadkii daganaa oo ahaa dad xoolo dhaqato ah haddana lagusoo daabulayo dad kale oo shacab ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia,taasi oo uu sheegay in aysan ahayn wax loo dul qaadankaro ayna tahay markaasi dulmi cad oo loo bareeray.

Ka dhaqan ahaan ayuu sheegay in arintaan ay ka doonayaan in ay meel saarto safaaradda Waddanka Ethiopia ee Soomaaliya si markaasi meesha ay uga baxdo dhibaatooyinkaan lagu eedeynayo Ciidanka Liyuu-booliska ee ka dhanka ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka kaxandhaale.

Deegaanka Ka xandhaale oo ku yaalla dhinaca xaduudka ay wadaagaan Gobolka Mudug iyo dalka Ethiopia ayaa waxaa lagusoo wramayaa in ay dhibaatooyin isugu jira barakicin,dhac iyo dhibaatooyin kale ay ka wadaan Ciidamo la sheegay in ay hoostagaan dowlad deegaanaka Soomaalida Ethoipia,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidanku ay ku daabulayaan goobihi ay shacabka reer guuraaga ah ay ka barakiciyeen dad laga keenay deegaanada ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here