RW Xukuumadda Soomaaliya oo Cambaareyey Weerar lagu dilay Dad Soomaali iyo Turkiyiin ah.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii  lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdisho ayuu yiri RW cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii Shalay lala beegsaday dhaqaatiirta ka howgalayay Isbitaalka Deva, iyo Macalimiinta kuwaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Shacabka Soomaaliyeed marnaba in aysan ka weecin doonin wadada toosan ee horumarka, falalka Shabaabku ay geysanayaan Soomaaliyana aysan waxba u dhimi doonin howlaha hormarineed ee ka socda Soomaaliya sida uu hadalka u yiri RW Soomaaliya.

Dhinaca kale Masuuliyiin u hadlay Dowladda Maraykanka ayaa iyana dhankooda cambaareeyey Weerarka lagu qaaday Muwaadiniinta Soomaalida iyo turkida isugu jirta ee lagu weeraray Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Taleex oo ka tirsan degmada Hodan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here