Maamulka G.Banaadir oo sheegay in ay ku raad joogaan Kooxo weeraray Muwaadiniin Soomaali iyo Turkiyiin isugu jiray.

0

Af-hayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C.fataax Cumar Xalane oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka iyo laamaha ammaanka ee dowladduba ay daba gal ku hayaan Kooxo hubaysan oo Muwaadiniin Turki iyo Soomaali isugu jira ku waxyeeleeyey gudaha degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Taleex.

C.fataax Xalane ayaa sheegay in Ciidanka ammaanku ay hadda hayaan raadad muujinaya cidda sida rasmiga ugu lugta leh weerarka lagu qaaday muwaadiniinta Turkiyiinta iyo Soomaalida ee lagu weeraray magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo caddeyndoonaan halka lagasoo abaabulay weerarka dhacay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Waxaa uu sheegay in weerarka ay masuul ka yihiin xarakada Al-shabaab oo uu tilmaamay in iyagu ka dambeeyeen falkan isugu jira dilka iyo dhaawaca loo geystay muwaadiniinta lagu weeraray xaafadda Taleex,isagoona intaa raaciyey hadalkiisa in aysan ka haridoonin kiiskan tan iyo inta ay meel u yeelayaan sida uu yiri.

Kooxo hubaysan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa galinkii dambe ee shalay waxaa ay magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Taleex ee degmada \hodan ay ka fuliyeen weerar qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababay oo ay ku qaadeen gaari isla nuuca raaxada ah oo ay wateen Muwaadiniin isugu jira Soomaali iyo waliba Turkiyiin,warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dadka gaariga la weeraray saarnaa,wararku waxaa ay sheegayaan in dadka dhintay ay isugu jireen Laba Muwaadin oo Turki ah oo Macalimiin ah,Sadax ruux oo Soomaali ah oo kala ahaa darawalkii waday gaariga,Tarjumaankii iyo mid ka mid ah ilaaladii ay wateen sidoo kale wararku waxay sheegayaan in dadka geeriyooday ay ku jirtay ruux haween ah oo goobta falku uu ka dhacay agmaraysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here