Warar naga soo Gaaraya xarunta Xalane ayaa sheegaya in uu Haatan Furmin shirkii Loogu Hadlaayay arimaha doorashooyinka 2016-ka oo maanta lagu Balan sanaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho
Shirka waxaa ka qeyb Galaya Madax ka Tirsan dowlada soomaliya sida Madaxweynaha soomaliya Xasan shiikh Maxamuud danjiraha Qaramada Midoobe Nikolas key, iyo Madaxweynayaasha dowlada Goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Juba-land. Koonfur Galbeed soomaliya
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka soo Gala Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo ciidamada Midowga Africa ee amisom
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

