Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo madaxda maamullada Puntland, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Jubba ayaa maanta si rasmi ah daah furey Madasha Wadatashiga Qaranka ee looga arinsanayo doorashooyinka 2016.
Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ah tiir muhiim u ah hannaanka Soomaaliya ay dooneyso inay ku gaarto heshiis ama mowqif mid ah oo la xiriira qaabka iyo hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka dalka ku habboon.
Madasha Wadatashiga Qaranka, oo ay ku jiraan xubno ka socda Baarlamanka Federaalka oo ay taageerayaan guddiyo hawleed iyo mid farsamo, ayaa waxaa isku keenay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federaalka, waxaana ay soo uruurin doonaan fikrado kala duwan, iyagoo sameyn doona wadatashiyo heer gobol ah iyo doodo ay yeeshaan bulshada rayidka. Waxaa wadatashiyadan ka soo bixi doona, laguna go’aamin doona nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka.
Hannaanka wadatashiga oo ay dusha ka maamuleyso Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ka koobnaan doona wadatashiyo heerar kala duwan leh oo dhacaya bilaha October iyo November, waxaana barbar soconaya doodo ay yeelanayaan bulshada rayidka iyo hawlo dhinaca xiriirka iyo isgaarsiinta oo heer qaran ah.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey furitaanka xafladda lagu daah furayey madashan ayaa sheegay in madashan ay muhiim u tahay Soomaaliya.
“Bishii July ee sannadkan, dowladda , maamullada dalka ka jira, iyo Baarlamanka Federaalka, waxay isku raaceen inay dejiyaan barnaamij wadatashi oo heer qaran ah , kaas oo uu ka soo bixi doono hannaanka doorasho ee 2016, lana kala dooran doono habab ama noocyo kala duwan oo doorasho oo wadatashiga ka soo bixi doona. Maanta waxaa farxad inoo ah inaan daah furno Madasha Wadatashiga Qaranka oo noqonaysa tallaabadii ugu horeysey ee barnaamijkan muhiimka ah.’’
Waxaa uu siyaasiyiinta, shacabka iyo ururrada bulshada xusuusiyey in horumarka siyaasadeed ee waddanka uu ku xiran yahay waxa ka soo baxa madashan.
“Waxaa la inaga doonayaa inaan xaqiijino in marka la gaaro bisha August, 2016-ka aanu haysano hannaan doorasho oo shaqeynaya, kaas oo muhiim u ah in dalka uu ka dhaco in awoodda siyaasadeed si nabad ah, si sharci ah iyo si hufanba la isugu wareejiyo. Maanta waxaanu halkani ku wada ansixinay qorshe u horseedaya Soomaalida inay talo iyo go’aanba ku yeeshaan mustaqbalkooda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
“Markii la i doortey saddex sanno ka hor, waxaan balanqaadey inaan awoodda siyaasadda ee dalka aan wareejin doono 2016-ka. Balanqaadkaasi weli waa taagan yahay. Ma jirto muddo kordhin loo sameynayo qeybaha fulinta iyo sharci dejinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Dastuurkeena ayaa sidaa dhigaya, inteena halkaan maanta isugu timid, iyo hoggaamiyeyaashiinaba waxaa ka go’an inay taasi ka dhabeeyaan’’.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa isna sheegay in daah-furka madasha uu muhimad weyn u leeyahay mustaqbalka siyaasadda ee dalka.
“Maanta , waxan balanqaadney in marka la gaaro bisha January, 2016-ka, aanu haysano hannaan doorasho oo aan ku heshiinay, kaas oo xoojinaya sharciyadda dowladda soo socota ee tan xigta. Tani waxay ka dhigan tahay in Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay looga fadhiyo inay u diyaar-garoobaan qaadashada hannaanka wadatashiga qaranka, doorkoodana ay ka cayaaraan hannaanka doorasho ee ay la tahay inuu ku habboon yahay dalka sannadka 2016-ka’’.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha intaa ku darey in loo baahan yahay in waqtiga laga faa’ideysto.
‘’Waxaan farey Golaha Wasiirrada, iyo dowlada qeybaheeda kala duwan inay waqtiga yar ee harsan ka faa’ideystaan. Beesha caalamka ayaa noqon doonta mid si weyn inoogala shaqeysa hawshan ina hortaalla, waxaanna ku kalsoonahay inay mar walba heegan yihiin, diyaarna ay u yihiin inay daboolaan baahiyada sida dhinaca khibradaha farsamo iyo imkaaniyaadka kale ee aanu u baahanahay si looga mira-dhaliyo nidaamkana kala guurka siyaasadeed ee dastuurka uu ina farayo’’.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federaalka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa isna ka warbixiyey hawlaha kala duwan ee la xiriira madasha ee dalka qeybihiisa kala duwan ka dhici doona, kuwaas oo uu sheegay inay si weyn u qabsoomi doonaan bilaha October iyo November.
“Hawlaha Madasha Wadatashiga Qaran ee maanta la daah-furey waxay socon doonaan laba ilaa saddex maalmood, waxaana fududeyn doona khubaro la tababarey oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo gobollada kala duwan ee dalka. Inta u dhexeysa 200 ilaa 300 wakiillo ka socda bulshada rayidka ayaa fursad u heli doona inay ka qeygalaan kulamada kala duwan ee wadatashiga. Fikradaha iyo aaraada aan uruurin doono inta ay kulamadan socdaan waxaa la hordhigi doona, kana doodi doona Madasha Wadatashiga Qaranka, kadibna waxaa la gaarsiin doona heerka go’aan gaarista. Waxaana hannaankan uu noqon doona mid loogu talagaley in qeybaha kala duwan ee dalka ay ka wada qeybgalaan, inta suuragalka ah’’, ayuu yiri wasiirka.
Madasha Wadatashiga Qaranka waxaa xubno ka ah Dowladda Federaalka, Baarlamanka Federaalka, maamullada dalka ka jira iyo dhammaan qeybaha kale ee muhiimka ah ee dalka ka jira.
Marka ay soo dhammaadaan wadatashiyada heer gobol iyo doodaha ay yeelan doonaan bulshada rayidka, waxaa Madasha Wadatashiga Qaranka ay shir kama dambeys ah qaban doontaa aakhirka sannadkan. Shirkan kama dambeysta ah ayaa waxaa uu soo bandhigi doona hannaanka doorasho ee lagu heshiiyey ee loo arko in la adeegsan karo sannadka 2016-ka.
-DHAMMAAD-

