
Xubnaha aqalka baarlamaanka Kenya oo maanta uu hortagay madaxweynaha Kenya uhuro Kenyatta ayaa dhamaan mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka ay madaxweynaha ugu baaqeen in ciidanka uu ka soosaaro soomaaliya.
Tim Wanyonyi waa mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya waxaa uu sheegay in waqtigaan hada ah uu yahay xiligii uu dalka Kenya hormarkiisa laga fikira lahaa, balse aysan aheyn xili uu dalka dagaalo faraha lagalo.
Waa waqtigii uu noosheegi lahaa xiliga uu ka soosaaro soomaaliya ciidankeena madaxweynaha Kenya , ciidan keena waqti dheer ayay joogaan soomaaliya sidaas waxaa u sheegay madaxweynaha Kenya oo hortagay maanta baarlamaanka Kenya mudane Tim Wanyonyi.
Dhamaan xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa isku raacay in aysan ogoleen ciidanka ka jooga soomaaliya ee ka midka ah howl galka Amisom.
28-kii bishii janaayo madaxweynaha Kenya uhuro Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee ka midka ah howl-galka AMISOM aan laga soosaari doonin soomaaliya tan iyo inta ay ka adkaanayaan argagaxisada.
4,000 oo ciidan ayaa dowlada Kenya ay u soo dirtay soomaaliya sanadkii 2011-kii kuwaasi ka midaa howlgalka Amisom ee midowga afrika.
