Baarlamaanka Kenya oo Madaxweynaha Kenya ugu Baaqay in Ciidanka Kenya Si Deg-Deg ah Looga Soosaaro Soomaaliya.

0
Kenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in the capital Nairobi April 16, 2013. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS)

Xubnaha aqalka baarlamaanka Kenya oo maanta uu hortagay madaxweynaha Kenya uhuro Kenyatta ayaa dhamaan mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka ay madaxweynaha ugu baaqeen in ciidanka uu ka soosaaro soomaaliya.

Tim Wanyonyi waa mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya waxaa uu sheegay in waqtigaan hada ah uu yahay xiligii uu dalka Kenya hormarkiisa laga fikira lahaa, balse aysan aheyn xili uu dalka dagaalo faraha lagalo.

Waa waqtigii uu noosheegi lahaa xiliga uu ka soosaaro soomaaliya ciidankeena madaxweynaha Kenya , ciidan keena waqti  dheer ayay joogaan soomaaliya sidaas waxaa u sheegay madaxweynaha Kenya oo hortagay maanta baarlamaanka Kenya mudane Tim Wanyonyi.

Dhamaan xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa isku raacay in aysan ogoleen ciidanka ka jooga soomaaliya ee ka midka ah howl galka Amisom.

28-kii bishii janaayo madaxweynaha Kenya uhuro Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee ka  midka ah howl-galka AMISOM aan laga soosaari doonin soomaaliya tan iyo inta ay ka adkaanayaan argagaxisada.

4,000 oo ciidan ayaa dowlada Kenya ay u soo dirtay soomaaliya sanadkii 2011-kii kuwaasi ka midaa howlgalka Amisom ee midowga afrika.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here