7 ruux oo saarnaa diyaarad yar oo kuwa qaaska ah ayaa ku burburtay gudaha jasiirada kubeek ee dalka Canada.
Diyaarada oo ay la socdeen xubno isku qoys ah ayaa burburtay inta aysan caga dhigan Garoonka diyaarada Madeleine ee jasiirada kubeek ee dalka Canada Sida ay warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Canada.
Burburkaan diyaaradaan yar ee kuwa qaaska ah ayaa loo aaneeyey dabeelo xoogan iyo iyo baraf jiray xiliga ay duulimaadka ku guda jirtay.
Dhanka kale 3 ruux oo kale ayaa dhaawac uu soo gaaray kuwaasi oo ka badbaaday diyaaradaan burburtay maanta.

