Wasiirka Amniga Puntland Cabi Cali Xersi (Qarjab). Ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka Maamulka Puntland in ay gacanta ku dhigeen 57-ruux oo kamid ahaa ragii dilalka qorshaysan ka geysan jiray deegaanada Maamulka Puntland.
Cabdi Cali Xersi (Qarjab) wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa tilmaamay magaalooyinka Puntland in laga qabtay raggaan islamarkaana ay kamid ahaayeen Shabaabkii ku soo duulay Deeganada Puntland, balse raggaan loogu talagalay in ay dilalka ka geystaan Magaalooyinka deeganada Maamulka Puntland.
Dhanka kale Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa dadka shacabka ah ee deeganada Maamulka Puntland wuxuu uga digay inay caawiyaan al-Shabaab, isagoonaa sheegay qofkii la arka isaga oo caawinaya Shabaab inay isku kiis noqonayaan.
Hadalka Cabdi Cali Xersi (Qarjab) wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya kadib howlgal laga sameeyay Gudaha Magaalooyinka deegaanada Maamulka Puntland.

