Taliska Amisom oo Soo Dhaweeyey Hubkii ay Qabteen Ciidamada Faransiiska

0

Taliye ku xigeenka ciidamada Amisom Maj Gen Nakibus Lakara, ayaa sheegay in ay Amisom ay aad u soo dhaweeneyso hubkii tirade badnaa oo ay shalay qabteen ciidamada faransiiska ee ilaalada xeebaha soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in ay faransiisku  ku amaanan yihiin qaabka ay ugu suurta gashay qabashada hubka loo soo waday Gudaha Soomaliya waxaana uu sheegay in ay halis badani ku ahaan laheyd amaanka soomaaliya.

Taliye ku xigeenka AMISOM  waxaa kaloo uu sheegay in qabashada hubkaan ay imaaneyso iyadoo dowlada Uganda ay waday qorshe ay ciidan cusub ay ugu soo direysay soomaaliya kuwaasi oo ka mid noqon lahaa howl galka amisom.

Shalay ayaa ciidamada faransiiska ee biyaha soomaaliya jooga ay qabteen hub badan oo kusoo wajahnaa Gudaha soomaaliya.

Amisom ayaa dagaal kula jirta alshabaab waxaana ay ka cabsi qabeen in hubkaan ay gacanta ku dhigaan Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here