Maxkamada Paris ee Dalka Faransiiska oo 7-Dhalinyaro Soomaali ah ku Xukuntay Xabsi Daa-in.

0

Maxkamada paris ee dalka faransiiska ayaa xukuntay 7 ruux oo loo heestay arrimo burcad baddednimo iyo in ay dileen nin u dhashay faransiiska.

Maxkamada paris ayaa dhalin yaraan soomaalida ku riday xabsi daa, in oo ay ku qadanayaan dalka faransiis.

Qaadiga riday xukunka ayaa sheegay in ay xukunka ragaan lagu riday ay u cuskadeen xeerka  dalka faransiiska uga dagsan arrimaha dilka iyo burcad badeednimada ama dhaca.

Dhalinyaradaan Soomalida ayaa loo heystaa falalburcad Badeednimo iyo in ay afduubteen sanadkii 2011-kii markab laga lahaa dalka France oo marayay xeebaha dalka Oman ee Bariga dhexe.

Qareenka u doodayay Dhalinyaradaan Soomalida ee Maxkamada Lagu soo taagay Magaalada Paris  Martin Reynaud ayaa Maxkamad maalin ka hor ka sheegay in dhalinyaradaan ay arintaan u sameeyeen baahi awgeed madaama soomalida aysan ka jirin shaqo sidaas u weyn oo kaafin karta baahida dhalinyada soomaliyeed.

Eedeemaha loo heysto Dhalinyaradaan soomalida waxaa sidoo kale kamid ah in ay dileen xiligii ay afduubanayeen markabka  French yacht milkiilihii markabka sidoo kalana ay ad-duubteen xaaskiisa oo la socotay. inkastoo markii dambe ay kasoo bad-baadiyeen ciidamada badda dalka Spain.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here