Maamulka Koonfur galbeed ayaa Tilmaamay in ay Wadaan Qorshe Maamulkaasi ugu guurayo Magaalada Baraawe

0

Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa wada qorshe maamulkaasi ugu guurayo Magaalada baraawe oo ah caasimadda maamulkaasi xili si KMG- ah ugu shaqeynayo Maamulka Koonfur Galbeed  Magaalada Baydhabo ee gobolka bay

Afahayeenka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya C/qaadir cashar Nadaara oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Tilmaamay in dhawaan Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya u guurayo caasimada Maamulka ee Magaalada Baraawe ee Gobolka shabeelaha Hoose

C/qaadir cashar Nadaara ayaa sheegay in arimaha ugu badan ay ugu guuri weysan Yihiin Magaalada Baraawe ay tahay Howlaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo waxyaabo badan ka Harsan sida dhisida Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo arimo badan

Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ah Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida ku qoran Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here