Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa wada qorshe maamulkaasi ugu guurayo Magaalada baraawe oo ah caasimadda maamulkaasi xili si KMG- ah ugu shaqeynayo Maamulka Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo ee gobolka bay
Afahayeenka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya C/qaadir cashar Nadaara oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Tilmaamay in dhawaan Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya u guurayo caasimada Maamulka ee Magaalada Baraawe ee Gobolka shabeelaha Hoose
C/qaadir cashar Nadaara ayaa sheegay in arimaha ugu badan ay ugu guuri weysan Yihiin Magaalada Baraawe ay tahay Howlaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo waxyaabo badan ka Harsan sida dhisida Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo arimo badan
Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ah Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida ku qoran Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya

