Pierre-Emerick Aubameyang  oo Hoos u Dhigay Wararka Suuqa la Xiriira

0

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu xili ciyaareedkaan ka dhaqaaqayo kooxda dalka Germany.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bartilmaameed waxa uu u yahay kooxaha Horyaalka dalka Ingiriiska iyo kan Horyaalka dalka Spain sida Real Madrid iyo Manchester United.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxdiisa u dhaliyay 35-Gool 45-kulan uu xili ciyaareedkaan kasoo muuqday kooxda Borussia Dortmund.

26-jirkaan ayaa dhawaan dalab ka helay kooxda Horyaalka dalka Spain ee Real Madrid laakin maanta waxa uu shaaciyay In uusan ka dhaqaaqi doonin kooxda Borussia Dortmund.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here