Weeraryahankii Hore ee kooxda Liverpool iyo qaranka dalka Wales Ian Rush ayaa aamisan in xidiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey uu bandhig wanaagsan ka sameyn karo kooxda Barcelona Haduu ku biiro.
25-jirkaa qadka dhexe ee kooxda arsenal Ramsey ayaa si dhow loola xiriirinayaa kooxda Barcelona kadib bandhigiisa kooxda arsenal dalabyo badan ayay Arsenal ka diiday kooxda Barcelona ee Horyaalka dalka Spain.
Ian Rush ayaa aaminsan in Ramsey uu yahay xidig leh qaab ciyaareedka kooxda Barcelona ee Horyaalka dalka Spain.

