Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sheegay in Amaanka Muqdisho uu Yahay Mid ka soo Hagaagayo Sidii Hore

0

Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxmauud oo ka qeyb galay Barnaamijka loogu Magacdaray Dariseynta oo  xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amaanka Gobolka Banaadir uu yahay mid ka soo hagaagayo sidii muddo kahor uu ahaa

Xasan sheikh Maxamuud ayaa amaanay Laamaha amaanka dalka soomaliya Gaar ahaan wasaarada amniga Gudaha oo maalmihii dambe waday Howlgalo lagu xaqiijinaayay amaanka Gobolka Banaadir iyo deegaanada Hoos Yimaada

Madaxweynaha soomaliya oo Hadlkaan ka jeediyay Barnaamijka Dariseynta oo xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howlaha amaanka Lagu xaqiijinaayo  si uu Gobolka Banaadir  u Noqdo Mid amaankiisa la isku laheyn Karo

Marka laga soo Tago hadalka Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud waxaa marar qaar Degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhaca dilal loo geysto shaqsiyaad dowlada soomaliya ka Tirsan iyo dad shacab ah

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here