Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxmauud oo ka qeyb galay Barnaamijka loogu Magacdaray Dariseynta oo xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amaanka Gobolka Banaadir uu yahay mid ka soo hagaagayo sidii muddo kahor uu ahaa
Xasan sheikh Maxamuud ayaa amaanay Laamaha amaanka dalka soomaliya Gaar ahaan wasaarada amniga Gudaha oo maalmihii dambe waday Howlgalo lagu xaqiijinaayay amaanka Gobolka Banaadir iyo deegaanada Hoos Yimaada
Madaxweynaha soomaliya oo Hadlkaan ka jeediyay Barnaamijka Dariseynta oo xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howlaha amaanka Lagu xaqiijinaayo si uu Gobolka Banaadir u Noqdo Mid amaankiisa la isku laheyn Karo
Marka laga soo Tago hadalka Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud waxaa marar qaar Degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhaca dilal loo geysto shaqsiyaad dowlada soomaliya ka Tirsan iyo dad shacab ah

