Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in banaanbaxyo kala duwan in ay ka socdaan Gudaha Magaaladaas.
Banaanbaxyada ayaa la sheegayaa in ay yihiin labo mid waxaa lagu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen qaar kamid ah odayaasha Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha Soomaliya Xasan shiikh Maxamuud ee ahaa in odoyaasha ay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe, Banaanbaxa labaad ayaa loogu soo horjeedaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyo heshiis uu madaxweynaha soomaliya la gaaray garab kamid ah odayaasha Hiiraan.
Banaanbaxyada ka socda Magaalada Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xili shalay Magaalada Beledweyne ay heshiis kuwa gaareen garab kamid ah odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha Soomaliya, waxaa heshiiska kasoo horjeesatay beel kamid ah beelaha Gobolka Hiiraan oo si cad u sheegtay in aysan ka qeyb gali doonin shirka maamul Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo Magaalada Jowhar ka furan.

