Waxaa maanta Maxkamad ku taala Magaalada Paris ee dalka France kasoo hor muuqan doona 7ruux oo soomali ah oo lala xiriirinaayo falal burcad badeednimo ah.
Dhalinyaradaan Soomalida ayaa loo heystaa falalburcad Badeednimo iyo in ay afduubteen sanadkii 2011-kii markab laga lahaa dalka France oo marayay xeebaha dalka Oman ee Bariga dhexe.
Qareenka u doodaya Dhalinyaradaan Soomalida ee Maxkamada Lagu soo taagayo Magaalada Paris Martin Reynaud ayaa Maxkamad maalin ka hor ka sheegay in dhalinyaradaan ay arintaan u sameeyeen baahi awgeed madaama soomalida aysan ka jirin shaqo sidaas u weyn oo kaafin karta baahida dhalinyada soomaliyeed.
Eedeemaha loo heysto Dhalinyaradaan soomalida waxaa sidoo kale kamid ah in ay dileen xiligii ay afduubanayeen markabka French yacht milkiilihii markabka sidoo kalana ay ad-duubteen xaaskiisa oo la socotay.

