Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land ayaa sheegaya in ruux Yemani ah uu ku dhaawacmay kadib dab ka kacay Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa.
Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in dab qasaaro hantiyadeed geystay in uu ka kacay Hoteel weyn oo ku yaala Bartamaha Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land.
Dabka ayaa la rumeysan yahay inuu ka kacay goobta raashiinka hotelka lagu kariyo, isaga oo kusii faafay goobo kale oo isla hotelka ka tirsan. Sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Somali-land.
Ruuxa Yameni-ga ah ee dhaawacmay ayaa isku dayay inuu kasoo boodo dhismaha Hoteelka ku yaala Bartamaha Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaal ku yaala Magaalada Hargeysa.
Hotelka ayaa la sheegay iney gacanta ku hayaan ganacsato u dhalatay dalka Yemen kuwaasi oo dad kasii kireyn jirey.

