Kooxo Hubeysan ayaa saakay Xaafada Taleex ee degmada Hodan waxa ay ku dileen askari ka Tirsan Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada Soomaliya.
Dableyda Hubeysan ayaa la sheegay in askariga ka Tirsan ciidamada Hay’ada Nabad sugida in ay ku dileen gurigaiisa oo ku yaala xaafada Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sida dad goob joogayaal ah ay u sheegeen idaacada simba.
Dhanka kale Rasaastiii goobta la isku weedaarsaday ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacantay Haweenayda uu qabay Ninka Askariga ahaa ee falka dilka ah loo geystay.
Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Xuseen Sheekh Max’ed Cade, ayaa xaqiijiyay dilka Askariga, isaga oo sheegay in ciidamada ay wadaan Baaritaan ku aadan Kooxaha dilka geystay. Oo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

