Kulan u Dhaxeeya Madaxweynaha Soomaliya iyo Odoyaasha Gobolka Hiiraan oo Maanta Mar kale Dhacaya

0

Kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo odoyaasha Gobolka Hiiraan ayaa maanta markale la filayaa in uu  ka dhaco Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeeda qaar kamid ah qodobada shirka Maamulka u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyo in madaxweynaha Soomaliya uu kulan si wadajir ah ula qaato qaar kamid ah hogaamiyaasha Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Shalay kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo qaar kamid ah Hogaanka odoyaasha dhaqanka Gobolka hiiraan ayaa lagu kala kacay kadib markii odoyaasha ay ku qanci waayeen qaar kamid ah qodobada uu soo bandhigay Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo ku saabsan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale qaar kamid ah Odayaasha kulanka la qaatay Madaxweynaha Soomaliya oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray in shirka ay soo fara galin doonaan beesha caalamka.

Madaxda dowlada Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe ku mashquulsaneed xal u helida tabashooyinka qaarka kamid ah odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here