Dowlada Belgium-ka oo Gacanta kusoo Dhigtay Saddex Ruux oo lala Xiriirinaayo Weeraradii Belgium-ka.

0

Afhayeen u hadlay booliska dalka biljimka ayaa sheegay in maanta oo sabbi ah ay gacanta kusoo dhigeen saddex nin oo si weyn loola xiriirinaayo weeraradii talaadadii ka dhacay magaalada barasalis ee dalka biljimka.

Ragaan ayaa laga soo qabtay magaalada baraasalis oo ay ku dhuumanayeen.

Laba ka mida ah ragaan ayaa dhaawac dhanka lugta ah uu   kasoo gaaray weerarkii qaraxyada ahaa ee ka dhacay dalka Belgium-ka.

Qabashadaan ragaan ayaa imaanaysa iyadoo maanta saalax cabdi salaam uu diiday in uu hadlo kadib suaalo ladoonayey in la weydiiyo.

Saalax ayaa afar maalin soo qabashadiisa waxaa dhacay qaraxyada barasalis waxaana ninkaasi lagu eedeenayaa in uu ka dambeeyey weeraradii sanadkii hore ka dhacay magaalada paris ee dalka France.

Weeraradii barasalis ee dalka Belgium-ka  ayaa dhacay maalinkii taladaada waxaana ku dhintay in ka badan 30 ruux halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here