Qaramada oo Waqtiga u Kordhisay Howl-galka Amisom ee somallia.

0

War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobe ee ku yaala Magaalada newyork ayaa lagu sheegay in ay qaramada midoobe ay muddo kordhin u sameysay howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom.golaha ayaa sheegay in muddo 1 sano ah ay u kordhiyeen mudada ka howl galayo xafiiska nabad ilaalinta ah ee amisom.

Golaha amaanka ayaa amaanay doorka nabada  ay amisom ku la haayeen soomaaliya.

Golaha waxaa kaloo ay amisom ku amaaneen la dagaalanka Al-shabaab iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyey oo ay alshabaab la galeen.

Dowlada Kenya oo 4000 ciidan ay ka joogaan soomaaliya ayaa ka hortimid muda kordhinta loo sameeyey howl-galka amisom maadaama ay midowga yurub ay yareeyeen mushaaradkii ay ciidanka amisom ku ay qaadan jireen.

Wasiirka difaaca Omamo ayaa shalay waxaa ay qaramada midoobe ka dalbatay in howl galka ay la kordhiyo mushaaradkiisa iyo in qalab cusub lagu caawiyo si ay Al-shabaab kaga adkaadaan.

Madaxeynaha Kenya ayaa isagana bishii  hore sheegay in howlka uu u baahan yahay in laga taageero dhinacyo badan oo ay ugu horeeyso dhanka tafsiilaadka iyo in howlgalka lagu soo kordhiyo dhinacyada ka maqan sida awoodii badda iyo cirka.

Howl-galkaan Amisom ayaa bilowday sanadkii 2007-dii.

Howlka ayaa sidoo kale waxaa ku mideysan dalal ay ka mid yihiin Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti, iyo dalka Ethiopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here