Dawlada Turkiga oo Lagu Eedeeyay inay Al-Shabab Taageerto

0

Boqorka dalka Jordan ayaa dowlada turkiga ku eedeeyey in ay taageerto xarakada Al-shabaab ee soomaaliya ka dagaalanta.

King Abdullahi waxaa uu sheegay in turkiga uu lacago siiyo xarakada Al-shabaab waxaana uu sigooni ah turkiga uu ugu eedeeyey in ay ciidan ajaanibi ah ay geysay dalalka soomaaliya iyo Syria.

Boqorka Jordan waxaa kaloo uu sheegay in ay dowlada turkiga ay lacago badan u dirto xarakada Al-shabaab lacagahaasi oo ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah dowlada.

Boqor cabdulaahi ayaa sidoo kale turkiga ku eedeeyey in ay saliid ka iibsadaan kooxda daacish oo ay lacag ugu badalaan.

Dowlada Jordan ayaan turkiga lala heyn cilaaqaad xoogan oo ka dhaxeeya labada dal.

Dowlada turkiga ayaa eedeentaan wali ka hadlin balse waxa ay soomaaliya uu turkiga ku leeyahay galangal weyn oo dhanka siyaasada ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here