Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Raiusulwasaaraha Soomaliya Cumar C.rashiid Cali Shamarke in uu haatan halkaas ka socda.
Kulanka ayaa la sheegay in loogu hadlaayo sidii maamulka Puntland loogu dhaadhicin lahaa qaadashada nidaamka 4.5 oo horey maamulka Puntland u shaaciyay in uusan aqbali doonin in doorashada soomaliya ka dhacay lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Dhanka kale kulan u dhaxeeyay Madaxweynihii Hore ee Maamulka puntland C/raxmaan Faroole iyo Raisulwasaaraha ayaa la sheegay in uu ka dhacay Magaalada Garoowe waxaana la tilmaamayaa in hogaamiyihii hore ee maamulka Puntland uu raisulwasaaraha Soomaliya ku wargaliyay in Puntland aysan aqbali doonin qaadashada 4.5.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

