Wasiirka Difaaca Kenya: waa in la kordhiyaa ciidamada iyo dalalka ka qeyb qaadanaayo Howlka Amisom.

0

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa ku baaqday in qaramada midoobe ay balaariso howl-galka Amisom ee Somaaliya.

Omamo ayaa sheegtay in ay waajib tahay hadii la rabo in gobolka oo dhan looga adkaado argagaxisada Al-shabaab kordhinta howlka Amisom , iyadoona ku boorisay qaramada midoobe in ciidanka hada ee sooomaaliya jooga in aysan ku filneen la dagaalanka Al-shabaab.

Wasiirka difaaca Kenya waxaa kaloo ay carabka ku adkeysay in dalalka ka qeyb qaadanayo howlgalka Amisom ay gaarayaan kaliya 5 wadan sidoo kalane tirade ciidanka oo dhan 22,000 ay aad u yartahay.

Waxaa ay ka digtay Omamo wasiirka difaaca Kenya  Qatarta weyn ee Al-shabaab  ay ku yihiin gobolka iyo dhamaan dunida.

Dowlada Kenya ayaa sanadkii 2011-kii ciidan gaaraya 4000 u soo dirtay soomaaliya.

Howlgalka amisom ayaa waxaa hada ka qeyb qaadanaya dalalka kala ah Uganda, Burundi, Kenya Djibouti iyo dalka Ethiopia .

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here