Maxkamada Dalka Finland oo Dambiyo Argagaxiso ku Weysay Afar Ruux oo Soomaali ah

0

Maxkamada Fadaraalka ee magaalada Helsinki ayaa afar ruux oo soomaali ah sidoo kalana heesta dhalashada dalka Finland ku weysay dambiyo kadib markii lagu eedeeyey in ay lacago u dirayeen xarakada Al-shabaab ee soomaaliya ka dagaasho.

Mid ka mid ah eedee-sanayaasha  afarta ah ayaa maxkamadu ay horay sigooni ah ugu eedeysay in uu dhalin yaro u qori jiray Al-shabaab si ay uga mid noqdaan askarta Al-shabaab.

Dowlada Finland ayaa waxaa ay sheegtay in afartaan ruux ay lacago gaaraya 2,500 oo dollar ay u direen Al-shabaab sanadihii 2008-dii iyo 2010-kii.

Dowlada Finland hadal kasoo baxay ayaa waxaa loo gudbiyey sidoo kale laamaha amaanka ee dalkaasi iyagoo ragaan lagu war galiyey in ay dib u heleen xuriyadoodii.

Magacyada ragaan ayaan dowlada aysan soo bandhigin.

Soomaali badan ayaa dalalka dunida ku jira xabsiyadooda kuwaasi oo loo heesto dambiyo argagaxiso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here