Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Hussein Obama, ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho Labo maalin aheyd uu ku joogay Magaalada Havana ee caasimada dalka Cuba.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Hussein Obama waxaa booqashadaan ku wehlinayay xaaskiisa iyo labada hablood uu dhalay, wuxuuna Magaalada Havana ee dalka Cuba uu kulamay Madaxda Xukuumadda, mucaaradka iyo qaybaha bulshada dalka Cuba.
Barack Hussein Obama Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay dadka reer Cuba in ay la yimaadaan isbadal dhanka siyaasada si ay ula jaan qaadaan hurumarka caalamka ka jira.
Dhanka kale Madaxweynaha Cuba Raul Castro, , ayaa Madaxweynaha Mareykanka iyo qoyskiisaba u galbiyay Garoonka Caalamiga ah Havana, oo Talaadadii ay ka amba baxeen. Waxaana halkaas ka dhacday ciyaar aad u xiiso badneen.














