Madaxeynaha Puntland oo Booqday Ciidamadii Soo Afjaray Dagaalkii Suuj iyo Garmaal+Sawiro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo uu wehinayey Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22-March-2016 waxa ay booqoshaqo dhiirri gelin iyo bogaadin xambaarsan ku tegeen xeryaha ay degganyihiin ciidamada aan gabbashada lahayn ee soo afjaray dagaalladii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

Ugu horrayn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ayaa waxay booqashadooda ka bilaabeen Xerada Ciidanka PSF ( Puntland Security Forces)  waxaanay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamadii guusha kasoo hooyey dagaalkii  alshabaab, waxaana ay ciidamadaasi adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka loogu talo galay dagaallada goobaha qararka iyo buuraha ah.

Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa waxay uga warbixiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka guulihii taarikhiga ahaa ee ay kasoo hooyeen dagaalkii Al-shabaab kaga sifeeyeen deegaanada Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay gaadheen sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay cagta mariyaan cadow walba oo isku daya in uu wax u dhimo nabadda iyo xasiloonida ka jirta  Puntland.

Madaxweynaha  Punyland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey ciidamadaasi hawl-galka sameeyey ee PSF ee sida gaarka ah u tababaran guulihii dhaxal-galka ahaa ee ay kasoo hooyeen al-shabaab muddadii koobnayd  ee ay kusoo afjareen hawl-galka, waxaana u sheegay ciidankaasi in ay yihiin cidda keliya ee shacabka Puntland ay ku ladaaan.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho taa lamid ah waxay ku tageen xarada Ciidanka ilaalada Badda Puntland (Puntland Marine Police Forces PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland  kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay sharwadayaasha iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

Saraakiishii hoggaaminaysey Ciidamadaas  ayaa  ka war-bixiyey guulihii ay ka soo hooyeen  dagaalka iyo qaababkii ay uga hawl gelayeen dhulka oo isugu jirey dhul xeebeed iyo dhul buuro ah waxaanay  ballan qaadeen in ay cagta marin doonaan cidkasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Puntland oo ah Xeebaha ugu dheer Soomaaliya.

Madaxeynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada Badda Puntland waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ay ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee ay usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba, isla markaana ay dawladda Puntland la garab taagnaantooda dhiirri gelin, tayaynta qalabkooda iyo dar-dargelinta tababarro dheeraad ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa uu booqaan doonaa ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland oo ah ciidamada difaaca Puntland isla markaana birta ka aslay kooxihii nabad-diidka alshabaab oo damacooda gaabani uu siiyey in ay duullaan kusoo qaadaan Puntland oo nabad kusoo caano-maashay.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa kormeerro indho-indhayn waxay kusoo sameeyeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Duuslista Hawada Puntland halkaas oo ay ka socotey shaqa maalmeedkii wasaaradaha ee caadiga ahaa.

IMG_2757 IMG_2758 IMG_2792 IMG_2796 IMG_2817 IMG_2819 IMG_2821

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here