Ninkii isku Qarxiyay Gobolka Al-anbar oo La Ogaaday in uu Haystay Dhalashada Dalalka Soomaliya iyo Ingiriiska

0

Dowlada ingiriiska ayaa shaacisay in ninkii shalay isku qarxiyey gobolka al-anbar ee dalka ciraaq uu heestay dhalashada dalalka soomaaliya iyo ingiriiska.

Dowlada ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ninkaasi oo ka mid ahaa daacish uu isku qarxiyey  saldhig ciidan oo ku yaalay gobolka al-anbar shalay waxaana weerrkaasi ku dhintay 30 ilaa iyo 50 ruux askar lagu qiyaasay.

Sirdoonka ingiriiska ayaa sheegay in nin kaan lagu neenaasi jiray Abu Musa Al-Britani uuna ku noolaa dalka yemen ka hor inta uusan ku biirin kooxda daacish.

Abuu musa ayaa aysan dowlada ka hadlin hadii hooyadiis ay soomaali aheyd amaba aabihiis lkn dowlada waxaa ay sheegtay in abu musa ay iska dhaleen laba muwaadin oo u kala dhashay dalka ingiriiska iyo dalka soomaaliya.

Shalay ayaa ninkaasi uu isku qarxiyey saldhig ciidan oo ku yaalay magaalada  ramadi ee gobolka al-anbar ee dalka ciraaq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here