Xarakada al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay ku sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Laanta-Buuro ee khasaaraha badan dhaliyay.
Sawiradan oo ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka al-shabaab ayaa lagusoo bandhigay ilaa 9 gaadiid ah 7 kamid ah ay yihiin Tikniko dagaalka halka laba kale ay yihiin Kaarib iyo Booyad ay biyaha ku dhaansan jireen ciidamada dowladda Soomaliya.
Al-shabaab waxa ay sidoo kale sheegeen in ay dileen 74-askari oo ka tirsnaa ciidamada dowlada soomaliya kadib markii ay weerar ku qaadeen xerada Laanta-Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Laanta-Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in loogu qabsaday dhowr gaadiid oo kuwada dagaalka ah kadib markii ay al-shabaab weerar kusoo qaadeen xili habeen ah.












