Sawirada:- Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Gaadiid Dagaal iyo Hub ay ka Qabsadeen Ciidanka Dowlada

0

Xarakada al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay ku sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Laanta-Buuro ee khasaaraha badan dhaliyay.

Sawiradan oo ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka al-shabaab  ayaa lagusoo bandhigay ilaa 9 gaadiid ah  7 kamid ah ay yihiin Tikniko dagaalka halka laba kale ay yihiin Kaarib iyo Booyad ay biyaha ku dhaansan jireen ciidamada dowladda Soomaliya.

Al-shabaab waxa ay sidoo kale sheegeen in ay dileen 74-askari oo ka tirsnaa ciidamada dowlada soomaliya kadib markii ay weerar  ku qaadeen xerada Laanta-Buuro ee  Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Laanta-Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa sheegay in loogu qabsaday dhowr gaadiid oo kuwada dagaalka ah kadib markii ay al-shabaab weerar kusoo qaadeen xili habeen ah.

DSC06515-640x360 DSC06528-640x360 DSC06529-640x360 DSC06533-640x360 DSC06534-640x360 DSC06547-640x360 DSC06553-640x360 DSC06560-640x360 DSC06561-640x360 DSC06562-640x360 DSC06565-640x360 DSC06579-640x360

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here