Madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo ku sugan dalka imaaratka carabta ayaa madaxda dalkaasi xalay kala hadlay arimaha amaanka ee dalka soomaaliya.
Madaxweynaha iyo sidoo kale madaxda ugu sareysa imaaratka ayaa kulankii xalay sigooni ah diirada waxaa ay ugu saareen sidii imaaratka carabta uu uga qeyb qaadan lahaa xasilinta iyo amaanka dalka soomaaliya.
Madaxweyne xasan sheikh iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa kasoo dagay shalay magaalada Abu Dubai waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa loo dhaqaajiyey dhanka hotelka caanka ee Beach Palace.
Gudoomiyaha magaalada Abu Dubai ahna sidoo kale ku xigeenka Taliyaha ciidanka dalka imaaratka Mohammad Bin Zayed ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyey magaalada Abu Dubai.
Hasan sheikh Maxamuud madaxweynaha soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda ugu sarsareysa dalka imaaratka carabta.
Madaxweynaha ayaa xalay magaalada Abu Dubai waxaa kulamo uu la qaatay Gudoomiyaha magaalada Abu Dubai ahna sidoo kale ku xigeenka taliyaha ciidanka dalka imaaratka Mohammad Bin Zayed iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo adkeenta amaanka soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa kulankiisa xalay waxaa ku wehliyey wasiirka arrimaha dibada soomaaliya cabdi salaam hadliye cumar iyo safiirka soomaaliya ee imaaratka u fadhiya abdul Qader Mohammed Hatami Sheikhi,.
Xasan sheikh ayaa imaaratka ku amaanay doorka wacan oo ay ku leeyihiin dalka soomaaliya waxaana uu uga mahad celiyey taageerada ay dowlada iyo dadka soomaaliyeed siinayaan.
Imaaratka ayaa kulankaan waxaa ay ka sheegeen in ay bilaabayaan mashruuc cusub oo lagu hor marinayo dhaqaalaha iyo mashruuca dhanka bini-aadan nimada iyagoo sidoo kale cadeeyey in dadka soomaaliyeed ay ku caawinayaan sida mustaqbalka ay hormar u gaari lahaayeen.
Shaikh Mohammad taliye ku xigeenka ciidanka dalka imaaratka ahna gudoomiyaha magaalada Abu Dubai ayaa waxaa kaloo diiradalagu saaray sida ay imaaratka uga jawaabayaan taageerada dhanka bini-aadan nimada ah maadaama ay dalka qeybo badani ay ka jirto dhibaatooyin ku aadan dhanka abaaraha.
Kulanka ka dhacay abu dubai ayaa waxaa kaloo kasoo qeyb galay Dr Anwar Mohammad Gargash,oo ah wasiirka arrimaha dibada imaaratka iyo gudoomiyaha maxkamada sare ee dalkaasi imaaratka Mohammad Mubarak Al Mazroui.
Socdaalka madaxweyne xasan sheikh ee uu ku tagay dalka imaaratka ayaan horay loosii shaacinin.
Dowlada imaaratka ayaa door muhiim ah waxaa ay ku leedahay dalka soomaaliya hadii ay ahaa laheyd dhanka siyaasada iyo xitaa hormarinta dalka oo dhan.

