Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu soo qab-qabtay dagaalkii kadhacay Togga Suuj ee Deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal oo la geeyay xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Maxaabiistii Alshabaab ee lagu soo qabqabtay dagaalkii maalinimadii shalay 20-March-2016- kadhacay Togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa xalay fiidkii lagu wareejiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno waxayna ahaayeen askartii ka dagaalamaysay xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay bilaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.
Ugu dambayntii, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada sare iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa waxay waraysiyo ku saabsan maxaabiitaasi goobihii ay kayimaadeen iyo sababaha ay Puntland u yimaadeen iyo mabaadii’da ay aammin san yihiin la yeesheen dhammaan maxaabiistii xabsiga lagu soo wareejiyey.








