Macalin Antonio Conte oo Hoos u Dhigay Wararka kooxda Chelsea  

0

Macalinka Xulka dalka Talyaaniga Antonio Conte ayaa hoos u dhigay  wararka sheegaya in uu qaban doono shaqada kooxda Chelsea bilowga xili ciyaareedka cusub ee 2016/2017

Hogaamiyaha xulka dalka Talyaaniga ayaa sheegay in diirada uu saarayo ciyaarayaha Uero 2016 oo sanadkaan lagu qaban doono dalka France wuxuuna saxaafada u sheegay in uusan haatan ku mashquulsaneen arrimaha lala xiriirinaayo ee Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa xili ciyaareedkaan waxaa lala xiriirinaayay Macalinkii Hore ee kooxda Juventus Antonio Conte kadib markii ay dhawaan ceyrisay macalinka reer Portugal Jose Morinho kadib markii uu kooxda ku Hogaamiyay guuldarooyin.

Macalinka Kmg-ga ee kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa dhawaan xaqiijiyay in uu ka fariisan doono kubada Cagta kadib markii uu kusoo laabtay kooxda Chelsea  ee ku ciyaarta Garoonka  Stamford Bridge ee Galbeedka Magaalada London.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here