Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray deegaanka Wisil ee bariga gobolka Mudug wuxuuna ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha gudiga isku xilsaaray dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac ayaa ugu horeyn ka warbixiyay mushruuca lagu dhisaayo waddada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo.
Gudoomiye Prof C/qaadir Maxamed Shirwac waxa uu sheegay in bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ugu horeyso Saxaafada Gobolka Mudug ay ku tabaruceen dhaqaalihii ugu horeeyay markii la bilaabay yabooha dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay wadadaan Gobolka Mudug isla markaana fure u tahay dhismaha dakada dagmada hobyo ee isla Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay doorka maamulka Galmudug uu ka qaadanayo dhisida waddada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.
“Arintaani waa mid isku tashi ah waana mid aad ku amaanan tihiin waayo mid adag in dad shacab ahi ay ku dhiiranaadaan in dhisaan wadado aad u bur bursan oo gaareeysaa ilaa 260km anaga maamul ahaana waxaan qeyb uqaadan doonaa ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.




