Iyadoo xalay ay weerar ku qaadeen Al-shabaab saldhiga laanta Buuro ee dowlada ayaa sargaal u hadlay ciidanka dowlada soomaaliya waxaa uu sheegay in xeredaasi ay Al-shabaab kaga qabsadeen gawaari dagaal iyo hub xoog leh intii ay xerada Al-shabab maamulayeen.
Sargaalkaan oo lagu magacaabo Abdullahi ayaa wakaalada wararka ee reuters u sheegay in Al-shabaab ay gacanta kaga dhigeen 9 gawaari oo kuwa dagaalka ah iyo hub kale waxaana uu intaasi ku daray in weerarkaasi uu kaga dhintay 1 askari oo ciidanka dowlada ah.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen deegaanka Laanta Buuro saldhig ay ciidanka dowlada ay kula haayeen xalay in ay ku dileen 70 askari.
Afhayeenka dhanka howl-galada ee xarakada alshabaab Abuu muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee reuters isagana ayaa u sheegay in weerar qorsheesan ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowlada ay kula haayeen deegaankaasi Laanta Buuro ay qasaaro xoog leh ku gaarsiiyeen ciidankii dowlada ee saldhigaasi ku sugnaa.
Sheikh cabdi casiis abuu muscab ayaa sidoo kale sheegay in dhoor gawaari iyo hub badan ay saldhigaasi ka qaateen.
Deegaanka Laanta Buuro oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose ayaa 45KM oo u dhigata 28 mile u jira caasimada sooomaaliya. Ee muqdisho.

