Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamuud oo Gaaray Maanta Dalka Imaaratka Carabta.

0

Madaxweynaha soomaaliya mudane xasan sheikh maxamuud ayaa maanta gaaray dalka imaaratka  carabta waxaana uu kulamo la qaatay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada imaaratka carabta.

Madaxweyne xasan sheikh iyo wafdi balaaran uu hugaaminayo  ayaa kasoo dagay magaalada Abu Dubai waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa loo dhaqaajiyey dhanka hotelka caanka ee Beach Palace.

Gudoomiyaha magaalada Abu Dubai ahna sidoo kale ku xigeenka Taliyaha ciidanka dalka imaaratka Mohammad Bin Zayed ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyey magaalada Abu Dubai.

Hasan sheikh madaxweynaha soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda ugu sarsareysa dalka imaaratka carabta.

Madaxweynaha ayaa markii uu tagay magaalada Abu Dubai waxaa kulamo uu la qaatay Gudoomiyaha magaalada Abu Dubai ahna sidoo kale ku xigeenka taliyaha ciidanka dalka imaaratka Mohammad Bin Zayed iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo danaha labada dal ka dhaxeeya.

Xasan sheikh ayaa imaaratka ku amaanay doorka wacan oo ay ku leeyihiin dalka soomaaliya waxaana uu uga mahad celiyey taageerada ay dowlada iyo dadka soomaaliyeed siinayaan.

Imaaratka ayaa kulankaan waxaa ay ka sheegeen in ay bilaabayaan mashruuc cusub oo lagu hor marinayo dhaqaalaha iyo mashruuca dhanka bini-aadan nimada iyagoo sidoo kale cadeeyey in dadka soomaaliyeed ay ku caawinayaan sida mustaqbalka ay hormar u gaari lahaayeen.

Shaikh Mohammad taliye ku xigeenka ciidanka dalka imaaratka ahna gudoomiyaha magaalada Abu Dubai ayaa waxaa kaloo uu diirada saaray sida ay imaaratka uga jawaabayaan taageerada dhanka bini-aadan nimada ah  maadaama ay dalka qeybo badani ay ka jirto dhibaatooyin ku aadan dhanka abaaraha.

Kulanka ka dhacay abu dubai ayaa waxaa kaloo kasoo qeyb galay Dr Anwar Mohammad Gargash,oo ah wasiirka arrimaha dibada imaaratka iyo gudoomiyaha maxkamada sare ee dalkaasi imaaratka Mohammad Mubarak Al Mazroui.

Socdaalka madaxweyne xasan sheikh ee uu ku tagay dalka imaaratka ayaan horay loosii shaacinin.

Dowlada imaaratka ayaa door muhiim ah waxaa ay ku leedahay dalka soomaaliya hadii ay ahaa laheyd dhanka siyaasada iyo xitaa hormarinta dalka oo dhan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here