Kenya: waxaana Laba weerar Al-shabaab kaga dilnay 34 dagaal yahan.

0

Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa sheegay goor dhaw oo galabta ah in laba weerar oo si gooni gooni ah ay ciidankooda ugu qaadeen fariisimo ay Al-shabaab kaga sugnaayeen somaaliya ay ku dileen 34 dagaal yahan oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Weerarka koobaad ayaa saraakiishu ay xuseen in ay ku dileen 13 dagaal yahan oo Shabaab ka mid ahaa waxaana laga fuliyey deegaan lagu magacaabo Sariira oo 30km ka xiga dhanka raaskaam Booni.

Afhayeenka ciidanka Kenya  David Obonyo ayaa dhan kale  sheegay dagaalka labaad ay Al-shabaab kula galeen Degmada Afmadoow oo ka tirsan Jubbada dhexe.

Afhayeen Ciidanka Kenya David Obonyo, ayaa sheegay in ay Al-shabaab weerarkaasi labaad ay  uga dileen 21 Askari sidoo kalena ay ka qaateen Hub gaarayay 19 Qori oo nooca fudud ah, .wuxuuna Tilmaamay in ay wali goobta ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ee Soomaliya.,

Sidoo kale  Afhayeenka u hadlay Ciidanka Kenya ee lagu magacaabo David Obonyo waxa uu  sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen Labo Askar ,5 kalena ay kaga dhaawacmeen .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here